Download LMHR Carnival leaflet in Somali & English: colour, A4
Download LMHR Carnival leaflet in Somali & English: black & white, A4
12 noon - 6pm.
Victoria Park, Londron E3
Waa lacag la’aan
30 sano ka hor in ka badan 100,000 oo dad ah ayaa ka qayb galay riwaayad ka dhacday Victoria Park, ee Bariga London.
Laakiin tani ma aysan ahayn riwaayad caadi ah. Waxay ahayd damaashaad uu marti geliyey Ururka ka Gilgilashada Midab Takoorka iyo ka soo Horjeedka Naziga (Rock Against Racism and the Anti Nazi League). Wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka dhan ah fashiistaha iyo midab takoorka.
Calaamadda maalintu waxay ahayd midowga dadka madowga ah, caddaanka ah iyo Aasiyaanka.
30 sano, jiil cusub oo muusikiiste ah iyo DJ-yo oo u wada imaanaya iney u dabbaal degaan Damaashaadka taariikhiga ah iyadoo ay la jiraan qaar ka mid ah fannaaniinta ku lugta leh waqtiga ugu horreeya.
Laakiin waxaa jira sabab kale, oo aad muhiim u ah, oo ay tahay inaad noogu soo biirto Damaashaadka LMHR ee 2008. Waa waqti laga soo horjeesto fashiistaha iyo midab takoorka kuwaasoo mar kale sumeynaya waddooyinkeenna iyo xaafadaheenna.
Fartiinta Damaashaadka 2008 waa mid fudud – Jeclow Muusikada oo Nac Midab Takoorka.
Somali translation by WorldAccent.
